Hormar ma laga gaarey furitaanka shirka Muqdisho?

Published: September 5, 2020

Waxaa weli socda dedaalada lagu doonaayo in shirka Muqdisho ee looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka 2020/21 uu furmo isla markaana laga gudbo caqabadaha ku gudban. Sida aan ku xusney warbixintii hore ee caqabadaha, waxaa jirey arrimo dhawr ah oo loo baahnaa in la fuliyo ka hor shirku intaanu toos u furman, waxaana ugu weynaa.

  1. Xaaladda gobolka Gedo heshiis laga gaaro
  2. Maamulada maqan oo shirka ka soo qaybgala
  3. Sida laga yeelayo hoggaanka bulshada rayidka ah iyo madaasha Xisbiyada

Labada qodob ee hore ayaa asaas u ahaa furitaanka shirka. Puntland iyo Jubaland ayaa isku raacsan in aysan dhicin sidii Dhuusamareeb 3, oo shir aan loo dhameyn la iska watey kadibna laga soo saarey go’aamo, waxaa sidaas ku raacsan Diblomaasiyiinta beesha caalamka oo sheegay in aysan sinaba u taageerayn go’aamo aan loo dhameyn.

Xaaladda Gobolka Gedo

Habeenkii xalay waxaa kulan gaar ah wada galay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, waxaana looga hadley sidii looga gudbi lahaa caqabadda gobolka Gedo ee shirka ku gudban, waxaa wararku sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo mabda ahaan oggolaadey in talada gobolka Gedo dib loogu celiyo maamulka Jubaland, kadib markii maamulkii Jubaland ee gobolka Gedo meesha laga saarey, waxaana la isla gartey xubno labada dhinac ah in ay ka wada shaqeeyaan taas, caqabadan haddii laga gudbo, ayaa noqoneysa guul uu shirku gaarey.

Maamulada Maqan

Puntland iyo Jubaland waxay Madaxweyne Farmaajo ka codsadeen in isagu keeno maamulada maqan, masuuliyaddaasna uu qaato. Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u qabey in maamulada kale go’aamadoodi la hayo oo markii la isla garto waxa laga beddalaayo go’aamadii Dhuusamareeb 3 loo yeero si saxiixa u danbeeya la wada saaro, taas oo Jubaland iyo Puntland ay diidan yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa weli ku adkaysanaya in guddoomiyaha gobolka Banaadir ee isagu soo magacaabo uu shirka qayb ka noqdo, waxaana uu ku doodayaa in aan saddex maamul oo keliya maqneyn, laakiin Puntland iyo Jubaland ayaa qudhoodu qabaan in shirka intaas laga ballaariyo lagana qaybgeliyo hoggaanada urarada rayidka ah iyo saamileyda kale.

Maanta oo sabti ah ayaa mar kale loo ballan san yahay in mar kale dib la isugu soo noqdo si loogu dhiirado in shirku furmi karo maalinta Isniinta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *