Madaxweynihii hore ee Puntland Oo Laga Sagootiyey Garoowe

Published: September 5, 2020

Madaxweynihii hore ee dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka dhoofay gegida diyaaradaha Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ka sagootiyey garoonka diyaaradaha masuuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa u mahadceliyey guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, isaga oo dhanka kalena shacabka Puntland guud ahaan ku dhiiro-geliyay inay adkeystaan amaanka dalka, horumarka iyo wada-jirka Puntland.

Cabdiweli Gaas oo ku dhowaad muddo lix bilood ah ku sugnaa Puntland ayaa maanta u dhoofay dalka Kenya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *