Axmed Madoobe iyo Muudeey Oo Kulmay

Published: September 6, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay guddoomiye kuxigeenka golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahim Muudeey.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee siyaasadda ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, waana kulankii ugu horeeyey ee ay wada yeeshaan Muudeey iyo Axmed Madoobe tan iyo markii uu yimid magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta booqan doona xarunta golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna khudbadan u jeedin doonaa golaha joogtada ee aqalka sare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *