Madaxweynaha Jubaland oo Khudbad kasoo jeediyey Aqalka Sare

Published: September 6, 2020

Madaxweynaha Dowlada Jubaland State Axmed Madoobe ayaa maanta oo Axad ah 6da September khudbad kasoo jeediyey kulan uu magaalada Muqdisho ku yeeshay golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u tagay kulan uu la yeelan lahaa Madaxweynaha Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland ayaa khudbadiisa uga hadlay khilaafyada siyaasadeed ee burburiyey xiriirkii ka dhaxeeyey Jubaland iyo Xukuumada Federaalka gaar ahaan Villa Somalia.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ka hadlay halka uu kasoo bilowday khilaafkaasi oo uu sheegay inuu bilowgiisa ahaa xiligii doorashada Jubaland la qabanayey, isagoo ku eedeeyey in Villa Somalia isku dayday farogelin inay ku sameyso doorashadii Jubaland, xiligaasi kadibna uu bilowday isjiid-jiid illaa iyo hada socda.

Jubaland ayuu sheegay inay diyaar u tahay wadashaqeynta dowlada Federaalka balse taasi ku dhisnaato Dastuurka oo la ixtiraamo Dowlad walba awooda Dastuurka siinayo, Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu mar walba isagu diyaar u ahaan in arrimahan la xaliyo.

Shirkii lagu waday maalmahan inuu ka furmo Villa Somalia oo dib u dhacay ayaa loo aaneenayaa inay la xariirto khilaafka ka dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubaland, kadib markii Villa Somalia ay gobalka Gedo ciidamo iyo dhaq dhaqaaq ka dhan ah Jubaland halkaasi ka bilowday.

Dhinaca shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb ayuu sheegay in qodobo lagu gaaray shirarkii 1aad iyo 2aad, balse kii Sadexaad uu ahaa mid carqalad lagu abuuray taasina sababteedu lahayd dhinaca Villa Soomaaliya iyo Golaha Shacabka.

Hogaamiyaha Jubaland ayaa ka hadlay in muddo sanad ah aysan jirin wax wadahadal ah oo u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, isagoo sheegay in shirarkii Dhuusamareeb ay ahayd fursad wax lagu xalin karay, isla markaana ay iyagu qeyb ka ahaayeen abaabulkii shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb.

“…Muhiimad bay lahayd shirarkaasi Dhuusamareeb, labo midba muhiim ayey u ahayd, marka hore Dowlad Gobaleedyada isu yimaadaan, taasi oo uu dastuurka qorayo, sidoo kalena ay Dowladahaasi la hadlaan Dowlada Federaalka, qodobkaasina dastuurka qeexayo, waxaana ku casunay Xukuumada Federaalka sidii loo heli lahaa doorasho loo dhan yahay oo la wada ogol yahay….ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe

Khilaafkii Dhuusamareeb 3

Dhuusamareeb 2 waxaa jiray wax lagu heshiiyey iyo guddiyo la dhisay oo ay Xukuumada qeyb ka ahayd, laguna heshiiyey in la isu soo noqdo, balse anagoo weli joogana Madashii ayaa 7 daqiiqo lagu riday Raysalwasaarihii, iyadoo aan arrimahan la xalin ayaa shirkii Dhuusamareeb 3 la isugu tagay, markii aan go’aansanay inaan tagnona shirkii waa la dadajin oo waa lasoo xiray….” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ka dhawaajiyey arrin aan horey loo shaacin oo ah in Puntland iyo Jubaland markii ay aadi lahaayeen Dhuusamareeb 3 shirkaasi la dhameeyey oo laga soo saaray qoraal.

Markii Puntland iyo Jubaland Garowe ku shireen ayuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo codsaday inuu Garowe ugu yimaado, balse taasi ay iyagu dhankooda ka diideen oo u sheegeen inay Muqdisho imaan doonaan si loo xaliyo wixii khilaaf ah.

Raysalwasaaraha in la magacaabo waa muhiim ayuu yiri maadaama ay ku xiran tahay saami-qeybsiga ay dowlada Federaalka ku dhisan tahay.

Arrinta Gedo, ayuu sheegay in wadahadal laga yeeshay hadana ay rajeenayaan in xal laga gaaro.

Madoobe ayaa sidoo kale ku taliyey in Saamileyda kale ee siyaasada laga qeyb geliyo wadahadalada socda si loo gaaro xal loo dhan yahay.

Aqalka Sare, ayuu sheegay Madaxweynaha Jubaland inuu taageersan yahay dadaalka ay wadeen iyo waliba tanaasulada ay sameeyeen, isagoo ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu ixtiraamo Aqalka Sare oo ah midka metala Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in loo baahnaa in si dhab ah loo wada hadlo, isagoo sheegay in dhamaan dhinacyada looga baahnaa inay joojiyaan wixii keenaya kala fogaansho oo tuhunka meesha laga saaro, iyadoo wadahadalkana wakhti lasiiyo oo aan la dadajineyn.

Shirka dhacaya ayuu Axmed Madoobe sheegay in loo baahan yahay in dhamaan Saamileyda kasoo qeyb galaan oo ay ku jiraan Maamulada kale si shirkan uusan u noqon mid ay yeesheen oo kaliya sadex hogaamiye oo isku reer ah!

Joogitaanka Muqdisho dhib naguma ah waa magaaladii aan kusoo koray, waxaana diyaar u nahay inaan joogno inta loo baahdo oo wax lagu xalinayo ayuu yiri Axmed Madoobe oo rajo ka bixiyey in dhawaan uu furmo shirkii la qorsheenayey inay la yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment