Beelweynta Hawiye Oo Qado Sharaf U Sameeyey Madaxda Puntland Iyo Jubbaland

Published: September 7, 2020

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo wufuudooda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa qado sharaf u sameeyey beelweynta Hawiye.

Munaasabada qadada waxaa kasoo qaybgalay hogaanka madasha xisbiga qaran madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cali Mahdi, hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale kulanka waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiintii ka midka ahayd wafdiga madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ay kamid yihiin Wasiiro, Senatero, Xildhibaano iyo masuuiyiin kale.

Intii ay munaasabadu socotay ayaa la sheegay inuu kulankani ahayn mid siyaasadeed balse uu yahay mid lagu soo dhowaynayo madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *