Ciidamada Soomaaliya iyo kuwo Maraykan ah oo weerar lala beegsadey

Published: September 7, 2020

Ugu yaraan laba askeri oo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey kadib markii ururka al-Shabaab ay qarax la beegsadeen. Weerarka ayaa ka dhacay Janaay Cabdalla oo qiyaastii 50km u jirta magaalada Kismaayo, waxaana uu ahaa qarax ismiidaamin ah.

Afhayeen u hadley ciidamada USA Africom oo lagu magacaabo Chris Karns ayaa sheegay in hal askeri uga dhaawacmey kaas oo kamid ahaa koox ciidamada Maraykanka ah oo la socotey ciidanka Soomaaliya xaaladda askeriga ayuu sheegay in ay tahay mid wanaagsan.

Dhanka kale afhayeeka Jubaland Maxamed Sabriye ayaa sheegay in weerarkaas ay ku geeriyoodeen laba askeri oo ka tirsan ciidanka kumaandooska.

Ururka al-Shabaab oo sheegtey in ay weerarka ka danbeeyeren ayaa sheegtey in ay dileen afar askeri oo ka tirsanaa ciidanka Maraykanka iyo 16 askeri oo Soomaali ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *