Dowlada UK Oo Gaadiid Ciidan Ku Wareejisay Soomaaliya – SAWIRO

Published: September 7, 2020

Dowlada UK ayaa dowlada federaalka Soomaaliya ku wareejisay Gaadiid ciidan oo loogu tala galay tayaynta ciidanka xoogga dalka.

Gaadiidka oo ay dowlada UK ku wareejisay Wasaaraada difaaca Soomaaliya ayaa loogu talogalay qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga, waxayna isugu jiraan Gawaarida xamuulka Millitariga, booyado iyo Gaadiid kale.

Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) ayaa dowlada UK ugu mahad-celiyay taageerada Ciidan ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qaybta 60-aad oo lagu wareejiyay qaar ka mid ah Gawaari Dagaal noocyadooda kala duwan oo qayb ka ah dib-u-dhiska ciidamdda xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Wasiir Ammar dambe

Dowladda UK ka jawaabtay codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay kala qeybqaatato dib u dhiska Ciimadamada qalabka sida, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga.

SAWIRO

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *