Maxaa ka jira Qorshaha Dowlad goboleed cusub lagu dhisaayo?

Published: September 7, 2020

Kadib doorashadii Jubaland ee dib loogu doortey Axmed Maamed Islan, Dowladda federaalku waxay isbeddel ku samaysey istraatiijiyaddii gobolka oo dhan, waxaana ay culeys saartey gobolka Gedo, halkaas oo ay geysey ciidamadii ugu badnaa oo lagu daabuley diyaarado, waxaa meesha laga saarey maamulkii Jubaland u soo magaaceebn gobolke gedo, sidoo kale waxaa si toos ah loola wareegey dhamaan ciidankii ka amar qaadanaayey Jubaland kuwii diideyna waxaa laga saarey xuduudka.

Waxaa jirey iskuday ay dowaldda federaalku qorsheysey isla markaana ay qayb ka ahayd Dowladda itoobiya sidii gobolka Jubada Dhexe xaruntiisa Bu’aale looga qabsan lahaa al-Shabaab, waxaana qorshahan fashiliyey isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay Itoobiya.

Waxaa dibadda u soo baxaya warar sheegaya in Gobolka Gedo laga dhigaayo Dowlad goboleed, waxaase hortaagan caqabadaha ah in aysan buuxin shuuradaha loo baahan yahay oo ah in gobol kale ugu yaraan uu la midoobo. Wararku waxay sheegayaan in ay socoto wadahadalo hoose oo u dhexeya siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed si gobolka Bakool iyo Gedo ay ugu midoobaan Dowlad goboleed cusub. Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa ka kooban midkiiba saddex gobol, inkasta oo Jubada dhexe dhamaanteed ay gacanta ugu jirto al-Shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in maamulka Koonfur Galbeed uu ka soo horjeedo hindisan cusub ee sida qarsoodiga ah ku socdey bilihii u danbeeyey, laakiin ay jiraan siyaasiyiin ku sugan Muqdisho oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed kuwaaan oo qorshaha wax ka og.

Gobolka Gedo ayaa degmooyinkiisa badankood horey looga saarey al-Shabaab inkasta oo al-Shabaab ay ku sugan yihiin dhulka tuulooyinka iyo miyigaba magaalooyinka qaarkoodna ay kala xanibeen.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa wadahalka doorashada ku xirey in farogelinta lagu hayo gobolka Gedo dowladdu joojiso, ciidamada hadda joogana xal loo helo, laakiin marna kama hadlin in qorshe gobolka dhanba Jubaland looga goynaayo uu socdo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Ethiopia waa ay jeceshahay in Jubbaland laga jaro Gedo si ay oga fogeeso Ogaadeenka Jubbaland xuduudaha wadankeeda oo aysan xiriirtoos ah yeelan gobalka soomaalida ee Ethiopia.