Xukuumadda xil-gaarsiinta Oo Ansixisay Guddiga Madaxa Banaan Ee La Dagaalanka Musuq-maasuqa

Published: September 7, 2020

Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen sagaal (9) xubnood oo wasaaradda caddaaladdu u soo xushay inay kamid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa.

Qodobka 111aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamaya dhisidda 9ka xubnood ee guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa oo laf-dhabar u ah howlaha baarista musuq-maasuqa lagu soo oogayo qeybaha dowladda.

Xubnaha guddiga oo lagu soo xulay aqoon, waayo-aragnimo, karti, hufnaan iyo amaano ayaa kala ah: Maxamed Cabdikariim Ibraahim, Avv. Cabdiweli Axmed Cumar, Dr. Xasan Khaliif Xasan, Avv. Maxamed Xuseen Xaamud, Avv. Saciido Maxamed Xaashi, Mudane Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan, Mudane Cabdullaahi Sh. Abuukar, Mudane Khadar Axmed Diiriye iyo Saamiya Siciid Xuseen.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 21/09/2019 wuxuu saxiixay sharciga dhisidda guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed, kabib markii baarlmanaanka federaalku meel mariyay, waxaana xubnaha guddiga madaxa bannaan ee maanta glohu meel mariyay loo gudbinayaa baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *