Shabaab oo weerar ku qaadey degmada Balcad

Published: September 8, 2020

Subaxnimadii maanta oo Salaasada ah ayey koox ka tirsan ururka al-Shabaab gudaha u galeen degmada Balcad oo 36km u jirta magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa la sheegay in ay magaalada ka soo galeen dhanka webiga iyaga oo wata dooni yar.

Weerarkan ayey la beegsadeen xarumaha Dowaldda sida Saldhigga Booliska iyo xarunta nabad sugidda.

Dagaalyahanada al-Shabaab ayaa qabsadey saldhigga Booliska waxaana ay xabsiga ka siidaayeen maxaabiistii ku xirneyd, sidoo kale waxaa qarax weyn ka dhacay xarunta nabad sugidda ee magaalada.

Khasaaraha dhimashada ee labada dhinac ayaan illaa hadda si sax ah loo ogeyn, waxaase la aaminsan yahay in labada dhinac uu soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *