Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Gaaray Baydhabo – SAWIRO

Published: September 8, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaainayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiiisa ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Guduud ee magaalada Baydhabo waxa kusoo dhoweeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, wasiiro, xildhibaano, madaxd kale iyo qaybaheeda kala duwan.

Madaxweynayaasha Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ku yeelan doona shir gaar ah oo ay ku wadatashan doonaan, halka dhanka kale ay Muqdisho ku shirayaan Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Dowada Federaalka Soomaaliya.

SAWIRO

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *