Madaxweynaha Puntland oo ka hadley Kiiska Hodan Shanleyste

Published: September 8, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadley kiis kufsi iyo dil ahaa oo ka dhacay magaalada Garoowe sanadkii 2019, kaas oo dhawaan maxkamadda derajada kowaad ee gobolka Nugaal ay go’aan ka gaartey.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ehelada gabadha laga doonaayo in ay nidaamka sharciga maraan haddii ay ku qanci waayeen go’aanka maxkamadda, waxaa u furan in ay rafcaan qaataan, wuxuu ka digey in kiiskan uu noqdo mid warbaahinta wax la isu mariyo ee la doonaayo in lawajaho nidaamka dowliga ah.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale ugu baaqey Qaadiyaasha Maxkamadda in haddii wax laga sheegtey sida ay go’aanka u gaareen ay tahay in ay la hadlaan ehelada una caddeeyaan wixii ay ku saleeyeen go’aankooda.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqey in maxkamadaha laga doonaayo in ay caddaalad wax ku saleeyaan.

Ugu danbeyntii ayuu sheegay in uu rajeynaayo in kiiskan caddaalad ku soo dhamaado si lamid ah kiiskii Caa’isho.

Maxkamadda Derajada kowaad ee Garowe ayaa dhawaan xabsiga ka sii deysey rag loo hasytey dilka iyo kufsiga Hodan Shanleyste oo ka dhacay Garoowe sanadkii 2019.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *