Madaxweynaha Puntland oo ka hadley niyadjabka Natiijada Imtixaanaadka

Published: September 8, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si faahfaahsan uga hadley natiijada Imtixaanaadka dugsiyasada sare ee wasaaradda waxbarashada Dowaldda Federaalku qaadey.

“..Runtii natiijada la shaaciyey waxay muujineysaa wixii aan ka digeyney iyo fashilka ay leedahay in la yiraahdo imtixaan guud ayaan qaadeynaa iyada oo aan dalkaba war loo hayn. Magaalada Muqdisho waxay ahayd magaalooyinka ugu tayada fiican dhanka waxbaarashada, ugu macalimiinta fiican, in ardey intaas le’eg ay ku dhacaan waa wax aan la aqbali karin, xaa.ladda adduunka oo dhan ayaa isbedeshey COVID-19 kadib, iskooladii ayaa la xirey, dalal badan ayaa qiimeyn ardeydoodu ku baasiyey….” ayuu yiri Deni.

Wasiirka Waxbarashada mar uu Puntland eedeynayay wuxuu yiri Imtixaan aan ka warqabin shahaado suur kama noqon karo, hadda waxaa hubaa wax badan inuu ka warqabin natiijada imtixaanada gobolada ka soo baxay oo natiijadeeda aanay sax aheyn

Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay hubaal tahay in Wasiirka Waxbarashada uusan ka warqabin natiijada imtixaanka.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu soo qaatey in la kala saaro mideynta manaahijta iyo imtixaanaad guud, dhibaatadu waa inaan la dooneyn in loo hoggaansamo nidaamka federaalka, Dowaldda federaalkana waxaa laga doonaayaa in ay dadkeeda xaqiiqda kula noolaadaan ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment