Mahdi Iyo Deni Oo Ku Kulmay Muqdisho

Published: September 8, 2020

Siihayaha xilka raysal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta hoygiisa magaalada Muqdisho qado Sharaf soo dhoweyn ah ugu sameeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.

Labada masuul oo markii ugu horeysay kulmay ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, wuxuuna kulankani kamid yahay kulamo badan oo madaxweynaha Puntland la yeelanayey hay’addaha dowliga, hogaanka xisbiyada, siyaasiyiinta mucaarada ah iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa u yimid magaalada Muqdisho inay kula shiraan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaaso aanan wali suuragelin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *