Maxkamada Sacuudiga oo xukuno ku riday 8 nin ee loo xiray dilkii Khashoggi

Published: September 8, 2020

Maxkamada Boqortooyada Sacuudiga ayaa Isniintii shalay xukuno ku riday 8 nin oo ka tirsanaa sirdoonka Sacuudiga oo loo heysto dilkii Suxufi Jamal Khashoggi oo ay ku dhexdileen Qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul, Turkiga.

Sideedan nin ayaan magacyadooda la shaacin, waxaana xukunkooda lagu baahiyey telefishinka Dowlada. Maxkamadeynta raggan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey hay’adaha xaquuqul Insaanka iyo Beesha Caalamka oo maxkamadeyntan ku tilmaamay mid qarsoodi ah oo lagu qarinayey xog badan.

Shan kamid ah eedaysanayaasha ayaa dusha laga saaray dilka Suxufigan oo dhacay 2dii Oktoober 2018. Waxaana la filayey 5tan nin in dil lagu xukumo, hase yeeshee mid kamid ah Wiilasha uu dhalay Khashoggi oo saxaafada Sacuudiga lala hadalsiiyey ayaa sheegay inay cafiyeen kooxda dilka u geysatay aabahood, arrintan oo shaki weyn laga qabay in ay la xariirto cadaadis qoyska la saaray.

Boqorka Sacuudiga Salmaan iyo Dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman oo la kulmaya Qoyska Khashoggi – Sawir hore

Maxkamada oo ka duuleysa cafiska la sheegay in uu ka yimid qoyska Khashoggi ayaa 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay ragga 5ta gaaraya ee dilka loo heystay. Halka sadexda kale ee eedaysane lagu xukumay 10 sano.

Waxaan gebi ahaan lasoo hadal qaadin cida bixisay amarka falkan ay ku kaceen sirdoonka Sacuudiga oo la rumeysan yahay inuu bixiyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Khubarada ka socotay Qaramada Midoobay oo horey kiiskan u baaray ayaa sheegay in amarka dilka ka yimid xafiiska ugu sareeya Dowlada Boqortooyada Sacuudiga.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *