Dab qabsaday Xerada Qaxootiga ee Giriiga – Sawiro

Published: September 9, 2020

Dab xoogan ayaa xalay saqdii-dhexe qabsaday xerada Qaxootiga Moria ee jasiirada Lesbos, dalka Giriiga.

Xeradan oo lagu hayo in ka badan 13 kun oo qaxooti ah ayaa waxaa xalay ka dhacay mudaharaad ay qaxootiga uga soo horjeedaan xayiraad lagu soo rogay dadkaasi ku xaniban xerada kadib markii xerada uu ku faafay cudurka Covid19.

Dhalinyarada ka careysan xayiraada lagu soo rogay iyagoo horey muddo bilo ah ku xanibnaa xerada gudaheeda ayaa burburiyey goobtii lagu hayey, waxaana la sheegay in ay dab qabadsiiyeen qeybo kamid ah xarumaha ku dhexyaal xerada, dabkaasi oo usii gudbay goobo badan.

Kumanaan qaxooti ah oo ayaa isaga qaxay goobihii ay degenaayeen, iyadoo aan weli faah faahin laga bixin inta uu la eg yahay khasaaraha dabkan oo u muuqda inuu burbur xoogan geystay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *