Madaxda Galmudug, Hirshabeelle Iyo K/Galbeed Oo Ku Shiray Baydhabo Kadibna Muqdisho U Duulay

Published: September 9, 2020

Shirka Wadatashiga ee dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfurgalbeed, iyo Hirshabeelle ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka Koonfur Galbeed.

Shirkan oo socday saacado ayey madaxweynayaasha seddexda maamul kaga arrinsadeen sidii ay ugu adkaysan lahaayeen mowqifkoodii shirkii Dhuusamareeb 3.

Waxay kadib u duuleen magaalada Muqdisho si maalinta berri oo khamiis ah ay uga qeyb galaan shirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo 5ta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *