Tijaabada Talaalka Covid19 oo la hakiyey kadib qof xanuunsaday

Published: September 9, 2020

Waxaa la hakiyey tijaabada lagu waday Daawada Talaalka ugu horeeya ee lagula dagaalamayo cudurka Covid19, kadib markii uu xanuunsaday qof kamid ah kumanaanka qof ee lagu tijaabinayey daawadan.

Shirkada AstraZeneca oo daawadan sameysay ayaa bilihii lasoo dhaafay waday diyaarinta talaalka ugu horeeyey ee looga hortagayo coronvirus iyadoo kaashaneysay Jaamacada Oxford, waana talaalka ugu muhiimsan ee isha lagu hayo oo maraya heerkii ugu danbeeyey.

Cudurka Covid19 oo aan illaa iyo hada loo heyn daawo ama Talaal looga hortago ayaa waxaa dadaal weyn loogu jiraa sidii loo heli lahaa Daawada Talaalka oo ay wadaan Jaamacadaha iyo Shirkadaha ugu waaweyn dunnida ee soo saara daawooyinka.

Daawadan Talaalka ee AstraZeneca ayaa ah midda loogu rajada weyn yahay, waxayna daawadan soo martay tijaabooyin badan hadana waxay mareysaa tijaabada ugu danbeysay oo lagu tijaabinayey kumanaan qof oo lasoo xulay, hase yeeshee tijaabadan ayaa la hakiyey kadib markii uu xanuunsaday qof kamid ah dadkii lagu tijaabiyey daawadan.

Hakinta tijaabada ayaa ah mid kamid ah nidaamka lagu xaqiijinayo in xanuunka qabtay qofkaasi aysan la xariirin daawadan tijaabada ah ama inay arrimo kale la xariirto, waxaan faah faahin laga bixin qofka jiraday xanuunka haya iyo heerka uu gaarsiisan yahay.

Shirkada AstraZeneca ayaa kamid ah 9 shirkadood oo daawada soo saara oo hada heerkii ugu danbeeyey maraya tijaabada daawada Talaalka Covid19.

Shirkadan ayaa 31kii bishii Agoosto bilowday inay diiwaangeliso dad gaaraya 30.000 qof oo ku sugan dalka Maraykanka kuwaasi oo diyaar u ah in daawadan lagu tijaabiyo, tijaabadan oo ah tilaabada ugu danbeysa kahor inta daawadaasi isticmaalkeeda si rasmi ah loo fasixin.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *