Shirka wadatashiga DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo furmaya 12.09.2020

Published: September 10, 2020

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qado-sharafeed u sameeyey Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Doladda Federaalka iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Qadada ayaa ku beegmeysa iyada oo Villa Somalia horey u sheegtey in shirkii Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada ee doorashooyinku uu furmaayo maanta oo khamiis ah.

Qadada waxaa isugu yimid dhamaan Madaxda Dowlad goboleedyada kuwaas oo saddexdii horey uga qaybgalay shirkii Dhuusamareeb 3 ay shalay Baydhabo diyaarado ku tageen iyada oo la filaayey in ay iyaguna dalban doonaan in halkaas shirka lagu qabto, ayey isla saacad gudaheed ku tageen magaalada Muqdisho.

Kulanka qada-sharafeedka ah ayaa gogol-xaar u ah shirka wadatashiga ee dhamaystirka hannaanka doorashooyinka dalka, kaas oo lagu heshiiyey in uu furmo maalinta Sabtida ee 12.09.2020.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *