USA: Dab baaxadleh oo burbur u geystay gobalo badan

Published: September 10, 2020
Shares2

Gobalada Galbeedka dalka Maraykanka ayaa ku jira xaalad adag kadib markii dab xoogleh oo qabsaday dhulka kaymaha ah kusii fiday dhul baaxadleh oo kamid ah gobalada Washington, Oregon iyo California.

Arabacadii shalay ayaa qaylo dhaan kasoo baxday maamulka Oregon state lagu sheegay in dabkan uu cagta mariyey 5 magaalo oo yar iyadoo tirada dhimashada ee la xaqiijiyey oo gaareysa 6 qof ayaa la filayaa inay sare usii kacdo.

Guddoomiyaha Gobalka Oregon Mrs. Kate Brown ayaa sheegtay in dabkan uu burburiyey magaalooyinka Detroit, Blue River, Vida, Phoenix iyo Talent.

Dabkan xoogaleh ayaa ka shidan 100 goobood oo kala gedisan wuxuuna sidoo kale khatar ku hayaa gobalada Washington iyo California.

Gobalka California ayaa lagu soo waramayaa in ugu yaraan 28 goobood oo kala gedisan uu dabkan kusii fidayo, gobalkaasi ayaa la xaqiijiyey in dhulka dabkan cagta mariyey ay baaxadiisa gaareyso 930.800 hectares.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *