Amaanka Muqdisho oo la adkeeyey!

Published: September 11, 2020

Kadib markii xalay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen qaraxyo iyo duqeyn madaafiicda Hoobiyaha ah ayaa waxaa ciidamo horleh la dhigay qeyb kamid ah magaalada.

Booliiska ayaa sheegay inay baarayaan qaraxyadii xalay oo ay sheegeen qeybtood in loo adeegsaday waxay ugu yeereen “Dheemish” iyo baaruud lagu qarxiyey goobo kala duwan aan khasaaro nololeed geysan balse shacabka magaalada lagu argagaxiyey.

Qaraxyadan ayaa lagu eedeeyey kooxda Al Shabaab walow ay kooxdaasi weli sheegan.

Magaalada Muqdisho ayey xiligan ku sugan yihiin dhamaan hogaamiyayaasha Dowlad gobaleedyada dalka oo la filayo maalinta berri ah inuu shir uga furmo Villa Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *