Farmaajo, Deni, Laftagareen Iyo Qoor-qoor Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Shaafi Raabi Kaahin

Published: September 11, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida marxuum Shaafi Raabi Kaahin guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland oo qarax lala eegtay isagoo kasoo baxayey masjid ku yaalla magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa geerida guddoomiyaha rugta ganacsiga JL ka tacsiyeeyey madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxayna rabi uga baryeen inuu janadiisa ka waraabiyo, waxayna dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi u rajeeyeen in uu eebbe u boogo dhayo.

Dhanka kale waxaa iyaguna ka tacsiiyey geerida marxuumka siyaasiyiin badan oo uu kamid yahay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Alle ha u naxariistee Shaafi Raabi Kaahin ayaa kamid ahaa dadkii aas’aasay 2011 dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana lagu xusuustaa doorkii wanaagsanaa ee uu ku lahaa isku xirnaanta ganacsatadeenna Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *