Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Kismaayo

Published: September 11, 2020
Shaafi Raabi Kaahin (AUN)

Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo salaadii jimcaha kadib ka dhacay magaalada Kismaayo.

Qof ismiidaamiye ah oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyey afaafka hore ee masjidka Qadiim ee magaalada Kismaayo, waxaana halkaas ku geeriyooday guddoomiyaha, wiil uu adeer u yahay iyo qofkii is qarxiyey, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka tacsiyeeyey alle ha u naxariistee geerida guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi kaahin iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeeloowday qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shaafi Raabi Kaahin uu ahaa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo shaqeeyay awood walba oo karaankiisa ah isla markana lasoo qaybsaday duruufo adag waxaa uu intaas ku daray madaxweynahu in Shaafi uu kamid ahaa aas Aasayaashii Jubaland isagoo maanta naftiisa ku waayay u khidmaynta shacabka.

Wuxuu intaas ku daray in aanay dhabaha ay ku doonayaan inay xasilooni iyo nabad helaan dadka reer Jubbaland iyo guud ahaan ummada soomaaliyeed ka leexin doonin falalka naf la caarinimada ah ee ay ku kacayaan Argagixisadu.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay Kismaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *