Isbaheysiga cusub ee EU-da oo Turkiga markale Cunaqabateyn ugu hanjabay

Published: September 11, 2020

Dalalka ka tirsan EU-da ee saaran badda dhexe ee Mediterranean-ka ayaa sheegay inay iska kaashan doonaan sidii ay uga hortagi lahaayeen dhaq dhaqaaqa Turkiga ka wado bariga badda dhexe.

Shir uu marti geliyey Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayey kasoo qeyb galeen hogaamiyayaasha dalalka; Italy, Malta, Portugal, Spain, Greece iyo Cyprus (Qubrus).

Dalalkan ayaa sheegay inay ka shirayeen sidii ay u yeelan lahaayeen go’aan mideysan kahor intaan la qaban shirweynaha Midowga Yurub ee dhacaya 24-25ka bishan September.

Waxay wadamadan sheegeen inay kasoo horjeedaan baaritaanka Turkiga ka wado badda dhexe ee batroolka iyo Gaaska, baddaasi oo ay sheeganayaan Giriiga iyo Qubrus.

Turkiga ayey ugu baaqeen inuu joojiyo hawlaha uu wado iyo daan-daansiga, isla markaana uu diyaar u noqdo wadahadal, hadii taasi ay diido xukuumada Ankara, dalalkan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay cunaqabateyn kusoo rogaan iyagoo kaashanaya wadamada kale ee EU-da.

Faransiiska oo wada ololahan ayey Turkiga sidoo kale isku hayaan xiisadaha iyo dagaalada ka socda dalka Liibiya.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *