Madaxweynaha Jubbaland oo degdeg ugu laabtay Kismaayo

Published: September 11, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo kadib maalmo uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagey sidii uu tacsida iyo murugada ula qaybsan lahaa ehelada iyo qaraabada dadkii shacabka iyo masuuliyiinta isugu jirey ee ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo.

Qaraxa oo uu fuliyey ruux ismiidaamiye ah oo soo xirtay jaakadda qaraxda ayaa ka dhacay masjid ku yaalla Kismaayo waxaana ku geeriyooday guddoomiyihii rugta ganacsiga dowlad goboleedka Jubbaland marxuum Shaafi Raabi Kaahin iyo dadkii kale oo shacab ahaa.

Waxaa qaraxaasi sheegatay kooxda Alshabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *