Qoor-qoor oo ka degay Kenya

Published: September 11, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Warar hoose ayaa sheegaya sababta Qoor-qoor ugu ambabaxay ay tahay inuu kulamo la leeyahay wakiilada beesha Caalamka, iyadoo uu berri furmayo shirkii madaxda dowlada federaalka iyo dowlaha xubnaha ka ah.

Waxaana lagu wadaa Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug in berri gelinka dambe uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *