Baxreyn oo shaacisay xiriirka ay la sameysatay Israel

Published: September 12, 2020

Boqortooyada Baxreyn ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay xiriir toos ah oo diblumaasiyeed la yeelan doonto Isreal, heshiiskan oo la sheegay inuu Maraykanka ka shaqeeyey.

Dalka yar ee Baxreyn ayaa kamid ah dalalka Carabta ee aan horey ulla dagaalamin Israel isla markaana aan wax xaduud ah la wadaagin, hase yeeshee Baxreyn ayaa kamid ah wadamada ku tiirsan taageerada ay ka helaan Maraykanka.

Xiriirka Baxreyn iyo Israel maaha mid cusub wuxuuna soo jiray muddo dheer oo ka badan 10 sano balse wuxuu horey u ahaa mid qarsoodi ah, go’aankan lagu shaaciyey xiriirkan ayaa imaanaya bil kadib heshiiskii dhexmaray Imaaraatiga iyo Israel.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo shir jaraa’iid shalay gelinkii danbe ku qabtay Aqalka Cad ayaa soo dhaweeyey heshiiskan oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah, Trump ayaa dadaal ugu jira sidii markale ugu guuleysan lahaa doorashada wadankaasi isagoo arrimaha u adeegsanaya guulaha uu doonayo inuu sheego inuu ka gaaray siyaasadiisa arrimaha dibada gaar ahaan barriga dhexe.

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo ay xiligan heystaan cadaadis uga imaanaya shacabkiisa oo ku heysta musuq maasuq, ayaa isaguna sheegay in arrintan ay tahay guul weyn oo Israel gaartay oo wax badan ka bedali doonto ganacsiga Israel dooneyso inay la yeelato dalalka Carabta, dhaqaalaha Israel waxaa si weyn u dhaawacay cudurka Covid19.

Waxaan la ogeyn waxa Baxreyn ay ku bedalatay shaacinta heshiiskan, iyadoo noqon doonto wadankii 4aad oo Carab oo xiriir toos ah la yeesha Israel, marka laga yimaado Masar, Urdun iyo Imaaraatiga.

Dalalka Masar iyo Urdun ayaa horey ulla dagaalamay Israel, waxaana heshiis dhex dhigay Maraykanka oo dhaqaale sanad walba ku bixiya Masar iyo Urdun in heshiiskaasi sii jiro.

Halka Imaaraatiga oo isaguna xulafo la ah Maraykanka uu ku bedashay heshiiska Israel in uu Maraykanka kasoo gato hubka Casriga ah gaar ahaan diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaan F35.

Baxreyn ayaa dhinaca kale ku tiirsan taageerada militari oo ay ka hesho Boqortooyada Sacuudiga, waxaana hubaal ah in heshiiskan ay wax ka ogtahay Boqortooyada Sacuudiga.

Dalalka khaliijka ayaa xiligan cabsida ugu weyn ka qaba awooda sii kordheysa ee wadanka Iran oo ay u arkaan cadowgooda kowaad.

Salaasada soo socota ayaa lagu wadaa in madaxda Imaaraatiga, Baxreyn iyo Israel ay heshiiskan kuwada saxiixdaan Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *