Wadahadalka Talibanka iyo Dowlada Afghanistan oo ka furmay Doxa, QATAR

Published: September 12, 2020

Waxaa maanta oo Sabti ah magaalada Doxa ee dalka Qatar ka furmay shirka lagu wadahadalsiinayo Dowlada Afghanistan iyo kooxda hubeysan ee Talibanka.

Wafdiga ka socda dhinaca Dowlada Afghanistan oo uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Abdallah Abdallah oo ah Guddoomiyaha Golaha Dib-u-heshisiinta ayaa sheegay inay u yimaadeen shirkan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka socda Afghanistan.

Talibanka wafdiga ka socda ayaa dhankooda sheegay inay shirkan niyad-wanaag la yimaadeen ayna diyaar u yihiin heshiis.

Kulankan ayaa lagu soo beegay lix bilood kadib markii uu heshiis horudhac ah dhexmaray Talibanka iyo Maraykanka oo bishii Feberaayo kulan kuyeeshay Doxa.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa kamid ah wafuuda Beesha Caalamka ka socda ee shirkan ku sugan.

Labada dhinac ayaa si weyn ugu kala fog dhinaca siyaasada iyo Dastuurka, hase yeeshee lama oga illaa inta ay gaarsiisan tahay tanaasulaadka ay sameyn doonaan dhinacyada is-horfadhiya.

Dowlada Afghanistan ayaa fulisay sharuud ay Talibanka ku xiraan furitaanka wadahadalka sida siideynta 400 oo kamid ah maxaabiista Talibanka, waxay Talibanka dhankooda heshiiskii ay Maraykanka la galeen ku balanqaadeen inaysan gabaad siin doonin ururada argagaxisada ah ee horey u weeraray Maraykanka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *