Abdinur Oo La Wareegay Xilka Agaasime Kuxigeenka Villa Somalia

Published: September 14, 2020

Agaasime ku-xigeenka guud ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed oo dhawaan madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilkaas ayaa maanta kala wareegay Agaasimihii horey u hayey Cabdirisaaq Xuseen Aadan.

Agaasime Cabdinuur oo soo bandhigay qorshe ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh madaxtooyada Soomaaliya iyo dhiirrigelinta ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta dalka ayaa rajo ka muujiyey inay dhammaan howlwadeennada dowladdu ku garab istaagi doonaan gudashada masuuliyaddan muhiimka ah ee loo xilsaaray.

“Qof kasta oo dhallinyaro ah waxa uu halbeeg u yahay howl gudashada iyo kartida dhallinyaradeenna Soomaaliyeed, sidaas darteed waa in aan si mug leh uga soo dhalaalno waajibka nooga aaddan dalka iyo dadka. Waxaan hiigsanayaa in aan ka miro dhallinno fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed uga furan hoggaaminta dalka.”

Cabdinuur Maxamed Axmed

Dhanka kale agaasime ku-xigeenkii hore ee madaxtooyada Cabdirisaaq Xuseen Aadan ayaa ka warbixyey shaqooyinka ay qabteen iyo waajibaadka shaqo ee baaxdda weyn ee horyaalla agaasime ku-xigeenka cusub.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ku ammaanay Cabdinuur howl gudashada wanaagsan iyo shaqooyinkii uu ka soo qabtay madaxtooyada sanadihii la soo dhaafay, waxa uuna kula dardaarmay in uu rumeeyo yididiilada iyo horumarinta shaqada ee laga filayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *