Khayre oo isu diyaarinaya inuu olole bilaabo!

Published: September 14, 2020

Raysalwasaarihii hore ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku dhawaaqay inuu murashax yahay ayaa la sheegay inuu damacsan yahay inuu dhaq dhaqaaq siyaasadeed bilaabo isagoo ka baxay masraxa siyaasada Soomaaliya tan iyo markii xilka laga xayuubiyey 25kii bishii Luulyo.

Khayre oo si deg degleh todobaadkan ugu dhawaaqay inuu murashax yahay ayaa sheegay inuu waday latashi badan, Raysalwasaarihii hore oo weli ku sugan Muqdisho ayaan illaa iyo hada lahadlin saxaafada tan iyo markii xilka laga tuuray.

Xubno ku dhaw dhaw Khayre ayaa Horseed Media u sheegay in qorshaha ugu muhiimsan ee xiligan loogu dhawaaqay  murashaxnimada Raysalwasaarihii hore ay tahay sidii uu qeyb uga noqon lahaa dooda xiligan taagan iyo wadahadalada looga tashanayo doorashada 2020/21.

Dhanka kale qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasada ayaa ku tilmaamay qaabka uu Khayre ugu dhawaaqay murashaxnimadaasi inay la xariirto cabsi uu ka qabo in Villa Somaliya ay qaado tilaabooyin kale oo ay xeer illaalinta wado oo looga horjoogsanayo inuu isa-sharaxo, isla markaana arrintan uga sii hordhacayey.

Balse xubnaha ku dhaw dhaw Khayre ayaa dhankooda sheegaya inaysan jirin wax cabsi ah oo ay ka qabaan Villa Somaliya, maadama ay hal dooni wada saaran yihiin marka la yiraaho arrimaha musuq maasuqa ee dowladii soo shaqeenaysay muddada ku dhaw 4ta sano.

Khayre waa wada Ogyahay sirta 3dii sano ee lasoo dhaafay ee Nabad iyo Nolol!

ayuu yiri mid kamid ah kooxda Khayre

Waxayse xubnaha Khayre ka ag dhaw sheegayaan in murashaxooda uu doonayo inuu saameyn ku yeesho siyaasada dalka kahor intaan la gaarin doorashada, xiligana ay socdaan shirar muhiim ah ayna doonayaan in codkooda ay ku biiriyaan kulamada looga hadlayo masiirka dalka Soomaaliya.

Khayre oo xiligan banaanka ka taagan awooda dowladeed ayey dhinaca kale qaar kamid ah mucaaradka dalka sida hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ka codsanayaan inuu ka jawaabo danbiyadii ay xukuumadiisa gashay intuu xilka hayey, tan oo loo arkey in ay durba cabsi ka muujiyeen loolanka ka imaankara Raysalwasaarihii hore Xassan Cali Kheyre.

Macada qaabka Khayre uu xiligan dib ugu soo ceshan doono awoodiisii siyaasadeed inta uu ku jiro go’adoonka uu isagu is-geliyey iyo aamusnaanta dheer tan iyo khudbadiisii iscasilaada ee loo bixiyey “…Anigoo OG!…”

Maxamed Cismaan
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *