Maalintii 2aad iyo Shirka Villa Somaliya

Published: September 14, 2020

Waxaa saaka markale dib uga furmay Madaxtooyada Soomaaliya kulanka u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Furitaankii shirka ee shalay ayaan laga soo saarin wax qodobo ah oo ku aadan ajendaha shirka iyo qodobada looga hadlyo, marka laga yimaado in Villa Somaliya ay shaacisay inuu shir-gudoominayey Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Weli waxaan cadeyn in wax horumar ah laga gaaray qodobada ugu muhiimsan ee lagu kala aragti duwan yahay, kuwaasi oo ay kamid yihiin qaabka doorashada 2020/21, tirada soo dooraneysa xildhibaanada, deegaan doorasheedka iyo in xisbiyada kaalin ku yeelan karaan doorashada soo socota.

Maamulada Puntland iyo Jubaland oo aan xiriir wanaagsan la lahayn Villa Somaliya horeyna wax badan uga tabanayeen ayaa u muuqda inay mawqif adag ka taagan yihiin nidaamka lagu soo doornayo xildhibaanada, iyagoo diidan in Villa Somaliya awood dheeraad ah ku yeelato xildhibaanada laga soo xulayo beelaha Soomaaliya.

Shirkan lama sheegin xiliga lasoo gebo gabeynayo ama inta uu socon doono!

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *