Maxaa dhexmaray Deni iyo Qoor-Qoor?

Published: September 14, 2020

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa xalay guriga uu Muqdisho ka degen yahay ku casumay Madaxwenaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Kulankan uu ku baaqay Qoor-Qoor ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii uu Villa Soomaaliya ka furmay shirka u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Qoor-Qoor oo si toos ah u weeraray siyaasada Deni mar uu ka hadlayey shirkii todobaadkii hore ka dhacay Baydhabo ayaa kulan ay albaabada u xiran yihiin la yeeshay Madaxweynaha Puntland Deni.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta Madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo koobay:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Madaxtooyada Puntland

Madaxweyne Deni ayaa kaalin weyn ku lahaa shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb ee 1 iyo 2, isla markaana la sheegay inuu ku taageeray Qoor-Qoor qeyb kamid ah dhaqaalaha shirarkaasi lagu qabtay, xiligaasi oo ay Puntland iyo Jubaland diideen inay ka qeyb galaan shir uu Muqdisho ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo.

Labada hogaamiye ayaan wax war ah kasoo saarin natiijada kulankii xalay dhexmaray oo si gaar ah isha loogu hayey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *