Muudeey: “Sharciga gaalada ninkii ku qanacsan, ha aado iyaga” VIDEO

Published: September 14, 2020

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka baarlmaanka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa ka si kulul uga hadlay sharci ku saabsan galmada.

Sharciga oo maanta looga dooday barlamaanka ayuu guddoomiye ku xigeenku si caro leh ugu tilmaamay inuu yahay sharci sheydaan oo ay dabada ka riixayaan xildhibaano doonaya in la meel mariyo.

Gudoomiye Muudeey wuxuu sheegay in aan barlamaanka la horkeeni karin sharci diinta looga baxayo oo hay’adduhu kasoo shaqeeyaan in laga dhaqan galiyo Soomaaliya, isagoo sheegay in barlamaanku ka hortagayo wixii diinta halis ku ah.

“Sharciga gaalada ninkii ku qanacsan, ha aado iyaga. Anaga waxaan nahay dad muslim ah…..”

Muudeey

Sharcigaan muranka badan dhaliyey ayaa waxaa uu kasoo gudbay golaha wasiirada xukuumada federalka Soomaaliya, balse qaladaad badan oo dhinaca diinta ah, ayaa loo hakiyay, si barlamaanku uu dib u sixid ugu sameeyo.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *