Axmed Madoobe Oo La Kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Published: September 15, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilada beesha caalamka oo kala ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, Safiirka Ingiriiska Ben Fender, iyo Wakiilo ka kala Socday Maraykanka iyo Midowga Afrika.

Kulankan ayaa looga hadlay arimaha doorashooyinka iyo xaalada amaanka iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay Xaalada kala guurka ah iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho la isla ogolyahay.

Beesha caalamka ayaa dadaal xoogan ku bixinaysa sidii heshiis isla ogol ah looga gaari lahaa doorashada Soomaaliya 2020/21 taas oo ay hadda ka wada hadlayaan madaxda Soomaalida ee ku shiraya Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *