China oo sheegtay inay diyaarisay Daawada Talaalka Covid19

Published: September 15, 2020

Dowlada China ayaa sheegtay in daawooyinka talaalka ay soo saareen ay hada marayaan heerkii ugu danbeeyey ee tijaabada, isla markaana rajeenayaan in daawada isticmaalkeeda guud la bilaabo bisha November ama December sanadkan 2020.

4 daawo oo talaalka looga hortago cudurka Covid19 ayey soo saareen sadex shirkadood oo ku yaal wadanka China oo kala ah; Sinopharm, Sinovac Biotech iyo CanSino Biologics.

Mid kamid ah Talaalkan ayey dowlada China bilowday isticmaalkeeda oo loo fasaxay askarta dowlada China bishii Luulyo.

Shirkadaha Caalamiga ah ee soo saara daawooyinka ayaa bilihii lasoo dhaafay ku tartamayey sidii loo heli lahaa daawada talaalka Covid19 oo xiligan baahi weyn loo qabo, cudurkan ayey tan iyo intuu dilaacay dhamaadkii sanadkii hore u dhinteen in ku dhaw 1 milyan oo qof. Cudurkan ayaa dadka uu hada ku dhacay gaarayaan in ku dhaw 30 milyan oo caalamka ku kala nool.

Shirkadaha reer Galbeedka ayaa iyagu laftooda wada tijaabinta daawooyinka Talaalka oo ay sheegeen in heer gebo gebo ah marayo, walow reer Galbeedka ay ka digeen in la dadajiyo nidaamka soo saarista daawooyinka oo keeni karta halis kale oo dhanka caafimaadka ah.

Waxaa dhawaan la hakiyey tijaabada ay waday Shirkada AstraZeneca oo ay leeyihiin UK iyo Sweden oo sameynta daawada Talaalka Covid19 la kaashaneysay Jaamacada Oxford, kadib markii uu jiraday qof kamid ah kumanaanka qof ee lagu tijaabinayey daawadan, baaritaankaasi oo hada socda sidii lagu xaqiijin lahaa in talaalkan uusan waxyeelo u geysan karin dadka caafimaadka qaba iyo kuwa kale ee daawooyinka kale isticmaala.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *