Dab sadexaad oo qabsaday Daar caan ah oo ku taal Beyruut!

Published: September 15, 2020

Waxaa saaka dab xoogleh qabsaday Daar caan ah oo ku taal caasimada dalka Lubnaan ee Beyruut oo weli kasoo kabaneysa qaraxii iyo dabkii asbuucii hore ka kacay dekada magaaladaasi.

Daartan caanka ah oo dhismo ku socdo ayaa ku taal bartamaha caasimada Beyruut, waxayna saaran-tahay wadada ka timaada dekada Beyruut oo uu bishii Agoosto ka dhacay qarax xoogleh oo burbur baaxadleh ka geystay magaaladaasi.

Ciidamada Dab-damiska ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay damiyaan dabkan saaka ka kacay bartamaha Beyruut iyadoo illaa iyo hada aan la ogeyn waxa sababay dabkan iyadoo ay weli socdaan baaritaanadii lagu waday labadii dab ee dekada magaaladaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *