Putin oo $1.5 bilyan dayn ah siiyey hogaamiyaha xiisada ku furan tahay ee Belarus!

Published: September 15, 2020

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in lacag gaareysa 1.5 bilyan oo dollar dayn ahaan usiiyey Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko.

Lukashenko ayaa wajahaya kacdoonka shacabkiisa oo ka gadoodsan natiijadii doorashadii bishii hore dalkaasi ka dhacday oo lagu eedeeyey inuu ku shubtay, xukuumada Belarus ayaa sidoo kale xiligan cadaadiska xoogleh ka heysataa dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Midowga Yurub.

Putin ayaa Isniintii shalay ku qaabilay Lukashenko magaalada Sosji, kulankaasi socday 4 saac ayaa laga soo saaray go’aankan dhaqaalaha lagu siinayo xukuumada Belarus. Lukashenko oo u mahadnaqayey Madaxweynaha Ruushka ayaa ku tilmaamay Putin walaalkiis ka weyn oo marwalba garab taagan.

Vladimir Putin ayaa horey u sheegay inuu xataa taageero militari u fidin doono xukuumada Belarus hadii ay farogelin kala kulanto Midowga Yurub.

Madaxweynaha Belarus ayaa hada ku mashquulsna siduu u bedali lahaa Dastuurka dalkaasi si uu xilka usii hayo sanado badan, Lukashenko oo ah Madaxweynihii ugu horeeyey ee dalka Belarus ayaa dalkaasi kasoo talinayey tan iyo sanadkii 1994-tii.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *