Shirka Muqdisho herdanka siyaasadeed iyo damacyada is-diidan Warbixin+Faallo

Shirka Muqdisho

Waxaa maalintii saddexaad galay shirka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo+Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlaayo dhamaystirka hannaanka doorashada dalka 2020/21, kadib markii lagu fashiley in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo.

Ilaa hadda ma jiro hormar uu sameeyey shirku aan ka ahayn in miiska la isugu wada yimid oo uu yahay shir Soomaali u dhex ah.

Dooda ugu culus ee shirka ayaa ah in aan waxba laga beddelin heshiiskii Dhuusamareeb 3, isbeddelkastana isaga saldhig looga dhigo, iyo aragti taas ka soo horjeeda oo sheegaysa in aysan ma jirin cid ku meteshey Dowladaha Puntland iyo Jubaland, haddaba qodobada ugu waaweyn ee kooxda Dhusamareeb 3 ku adkeysanayso in aan la taaban waxaa kamid ah:

  • Doorashadu tahay deegaan doorasho
  • Ugu yaraan laba ama saddex degmo in doorashooyinku ka dhacaan gobol kasta oo suurtagal ah in ay ka dhici karto
  • In lagu galo doorashada nidaamka metaalada Xisbiyada
  • Qaabka lagu soo xulaayo ergooyinka wax dooranaya
  • In Xildhibaan kasta ay soo doorato ugu yaraan 301 ergo
  • In ergooyinka isku magaalada ah la isku dhafi karo haddii loo baahdo

Qodobadan waxaa si weyn ugu dheggan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu taageero ka haystaa Beesha caalamka oo dooneysa in doorashadu noqoto mid u eg qof iyo cod, marka la eego in lagu galo nidaamka Xisbiyada iyada oo ay tahay doorasho beelo u dhexeysa.

Qodobada kale ee siyaasadeed waxaa kamid ah:

Cidda maamuleysa doorashada, kooxdii Dhusamareeb 3 waxay ku hesheiiyeen in Guddiga Doorashooyinka Qaranku ay maamulaan, guddigan oo öoogu tala galay in ay maamulaan doorashooyin Xisbiyo rasmi ah u dhaxaysa.

Qodobkan ayaa ah mid siyaasadeed, waxaana si weyn ugu dheggan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo keliya, dhamaan madaxda Dowlad goboleedyada xitaa kuwii ka qaybgalay shirkii Dhuusamareeb 3 waxay jecel yihiin in qodbkan la beddelo lagana dhigo si lamid ah doorashadii 2016.

Shirka Muqdisho ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo+Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ma ahan mid ay khasab tahay in qodobada codeyn la geliyo oo la isku dirqiyo nidaamka aqlabiyad waa mid ku dhisan in la isla oggolaado oo tanaasul ku dhisan, cidkasta oo aan oggolaan oo diidan shirkan jidka u furan waa in ay shirka isaga baxdo, ama ay go’aankeeda ka tanaasusho. Dowladaha Puntland iyo Jubaland waxay ka maqnaayeen shirkii Dhuusmareeb 3, waxaana hadda socda in lagu dirqinaayo in asalka shirka Muqdisho laga dhigo shirkii Dhuusamareeb 3.

Natiijadii shirkii Dhuusamareeb3, waxay ahayd xujjo u baahan in la fur-furo, waxay ahayd qodobo dhigaalkooda iyo dhihidooduba ay fududahay, laakiin haddii la dul istaago macne kale yeelan kara, waxaana kamid ah qodobka in doorashada lagu galaayo Nidaamka Xisbiyada, iyada oo dalka aysan ka dhisneyn xisbiyo rasmi ah oo dalka oo dhan wada gaarey, kuwaas oo buuxiyey shuuradaha Xisbinimo, qodobkaas oo ah mid beesha caalamku ay dabada ka riixeyso, iyada oo mudadii afarta sano ahayd ee Madaxweyne Farmaajo xilka hayey aanu dhisan xisbi siyaasadeed haddana uu doonaayo doorasho afar bilood ka harsan tahay in Xisbiyo lagu galo, waxaa la dhihi karaa Dhuusamareeb 3 waxa uu ahaa xujjo fur-furideedu tahay muddo-kororsi, haddaba haddii maamulada saddexda ah ee Dhuusamareeb 3 ay difaacayaan qodobo kaas la mid ah iyada oo dhulka ay maamulaan inta badan al-Shabaab gacanta ugu jiro muxuu yahay qorshaha iyo istraatiijiyadda dowladaha shirkaas ka maqnaa ee Jubaland iyo Puntland.

Waxaan ku soo koobi karnaa qodobo dhawr ah:

  1. Puntland iyo Jubaland waxaa u furan in ay oggolaadaan wixii ka soo baxay Dhuusamareeb3, laakiin ay dib u saxaan kuwa khaldan sida qodobka Xisbiyada oo u baahan in la qeexo, lagana shaqeeyo sidii dalka oo dhan Xisbiyada loo gaarsiin lahaa, loo heli lahaa xisbiyo soo buuxiyey Xeerka Xisbiyada Soomaaliyeed, arrintan waxay keeneysaa in Dowladda Federaalka ee hadda jirta muddada loo kordhiyo, muddo kordhin kasta oo la sameeyaa, Dowladda Federaalka waxay u noqon riyadii u rumowdey, waxaana ay kala qaybin kartaa kooxdii Dhuusamareeb 3 iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay shaki dhex-dhigi kartaa, sidoo kale Xisbiyada magac u yaalka ah ee Muqdisho ka dhisan ayey ku noqon kartaa caqabad aysan fileyn! kuwaas oo hadda ku dheggan mid kamid ah qodobada caqabada ku noqdey shirka Muqdisho, Beesha Caalamka ee iyaduna ku dheggan in wadahadalka Muqdisho saldhig looga dhigo natiijadii Dhuusamareeb3 ayey ku noqon kartaa lama filaan.

Tanaasul kasta oo Puntland iyo Jubaland ay u sameeyaan Madaxweyne Farmaajo iyaga oo ku beddalanaya gorgortan iyo heshiis shakhsiyadeed mudada doorashada laga gaarayo waxay ku xiran tahay sida ay isku aaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo iyaga marka dib loo xusuusto Dhuusamareeb2 iyo heshiisyadii hoose ee ay wada galeen ee uu cagta ku dhuftey.

  1. Puntland iyo Jubaland waxaa kale oo u furan in ay qaataan tanaasul (compromise), haddii Madaxweyne Farmaajo uga tanaasulo qodobka cidda maamuleysa Doorashada oo guddiga doorashadu uu noqdo mid la isla soo dhiso.
  2. Qodobka ugu danbeeya ayaa ah in mar kale Dowladihii ka maqnaa shirkii Dhuusamareeb 3 ay isaga baxaan wada hadalka Muqdisho, inkasta oo xogta ku dhaw ay sheegayso in ay taas ka xigaan in ay qaataan “Bad deal”, ama heshiis xun, oo shacabkoodu ka soo horjeesan karaan, si lamid ah fadeexadii BAN-KI-MOON GATE ee Madaxweyne Gaas iyo diidmadiisi hore ee 4.5 iyo oggolaan shihiisi danbe

Wadahadal shakhsiyadeysan

Wadahadalada la sheegayo in ay u dhexeeyaan Dowladda Federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo Dowlad goboleedyada ayaa aad uga duwan kuwii sanadkii 2016, waxaana ay u muuqaal eg yihiin kuwo shakhsiyadeed, Dowladda federaalka oo ka kooban saddex ama afar qaybood ayaa waxaa ka soo harey oo keliya Madaxweyne Farmaajo oo wada hadalka ku jira, waxaana uu diidey in uu magacaabo Raysalwasaare qayb ka noqda wada hadalka, sidoo kale Baarlamaanada ayaan door ku lahayn.

Dowladda Puntland oo ugu guunsan Dowladaha isla markaana ay u dhantahay dhamaan haykalkii Dowladnimo, ayaa la dhihi karaa shirka kama muuqdaan la-taliyaashii sare ee Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni dhisey iyo golihiisi wasiirada, waxaana shirku noqdey mid u dhexeeya 7 nin oo keliya kuwaas oo aan wax talo ah dib ugu celin la-talaiyaasha, wasiirada, baarlamaanka iyo weliba shacabka.

Si kastaba waxaa socda gorgortan xoogleh mid hoose iyo mid loo dhan yahay, waxaana muuqata in sida wax loo saadaalinaayo si ka duwan ay arrimuhu noqon doonaan, lana filan karo in ay isu soo dhawadaan kuwo horey aad u kala fogaa, halka ay kala fogaan karaan kuwo horey la isugu xamanaayey.

Horseed Media

Ogeysiin: Sababta Puntland iyo Jubaland falanqeynta si gaar ah loogu xusey ayaa ah maamulada kale warkoodi waxay ku caddeeyeen heshiiskii Dhuusamareeb 3. Faalladan waxaa iska leh Horseed Media, website-kasta oo qaata waxaa laga doonayaa in uu xigashada ilaaliyo.