Taliska Boosliska Soomaaliya Oo Ka Hadlay Kufsigii Iyo Dilkii Xamdi

Published: September 15, 2020

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka hadlay kiiska kufsiga iyo dilka ahaa ee Muqdisho loogu geystay gabadh 16 jir ah ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyey qoyska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu faahfaahiyey sida ay wax u dhaceen iyo baaritaanka ay wadaan ciidamada boolisku.

Waxay sheegeen in kiiskan loo soo qabtay ilaa 11 eedeysane iyo kuwo kale oo hadda lagu daba jiro, waxayna xuseen in 12kii bishan 9aad ay maxkamad sii daysay labo tuhunsanayaal, iyadoo maxkamadu ku sifaysay inaysan wax xiriir ah ku lahayn kiiska balse waqti kasta oo loo baahdo la heli karo.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ehelada marxuumad Xamdi iyo umadda Soomaaliyeed wuxu u cadeeyey in baarista kiiska uu marayo heer wanaagsan.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *