Mursal, Waare iyo Laftagareen oo kulmay

Published: September 16, 2020

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Axmed C/raxmaan ayaa la kulmay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo shirka Muqdisho.

Kulan oo xalay ka dhacay hoyga Guddoomiye Mursal ee uu ku qaabilay Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Maxamed Cabdi Waare iyo C/casiis Lafta Gareen ayaa u muuqda dardargelin siyaasadeed maadaama ay hogaanka golaha shacabka ay dibad joog ka ahaayeen shirarka doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *