Israel oo mar kale duqeysey marinka Qasa ee Falastin

Published: September 16, 2020

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa habeenimadii Arbacada duqeeyey marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta, taas oo sababtey khasaaro weyn sida ay ku warameyso warbaahinta Falastiin.

Sida laga soo xiganayo Wafa, wakaalada wararka ee Falastiin, diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa gantaalo ku dhiftey Beyt Lahiya ee ku taala waqooyiga marinka, sidoo kale Israel waxay beegsadeen Deyr al-Balah bartamaha marinka Qasa, iyo goobo kale oo ku yaala dhanka koonfureed ee isla marinka Qasa.

Subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaca ah ayaa bayaan ka soo baxay ciidanka Israel lagu sheegay in ay qaadeen ilaa 10 weerar oo dhanka cirka ah taas oo lala beegsadey goobo Xamaas ay ka soo ridey gantaalo. Galabnimadii Salaasada ayaa laba gantaal ka soo dhaceen dhanka Qasa waxaana ka hortey oo qabtey Iron Dome anti-missile system sida Israel sheegatey.

Duqeymahan ayaa imaanaya iyada oo dalalka Imaraadka Carabta iyo Baxreyn ay heshiis taariikhi lagu sheegay kula saxiixdeen israel magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Hanad Askar – Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *