Madaxweyne Farmaajo Ma Shir Mise Sheeko? – Op-Ed

Published: September 16, 2020

Laga soo billaabo shirarkii ka horreeyay midka hadda Muqdisho ka soconaya 2018-ka illaa iyo iminka Madaxweyne Farmaajo ma muuqato aragti siyaasadeed oo uu leeyahay oo uu si daah furan u soo bandhigay.

Waxaa jiray heshiisyo dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ku dhexmaray Kismaayo, Baydhabo, Garoowe iyo kii ugu dambeeyay ee Dhuusamareeb, dhammaantood ma jiro ajande siyaasadeed oo ka soo baxay oo guuleystay.

Ka danjire ahaan (Qoraag)waxaan u arkaa in madaxweyne Maxamed Farmaajo waxa uu wado aysan ahayn shir ee ay tahay Sheeko, maadaama wixii heshiisyo horay u dhacay aanan wax ka soo qaad lahayn.

1- Illaa iminka madaxweynaha ma uusan soo magacaabin Ra’iisul wasaare muddo ku dhow 50 cisho, taas oo muujinaysa in aan madaxweynaha Farmaajo uusan lahayn go’aan geesinimo.

2- Dastuurkii madaxweynaha uu afkiisa ka ballanqaaday in uu ilaalinaayo maanta isaga ayaa ku tumanaya, oo muddo 50 cisho sii cagacageyneysa aan laga heynin Raysal wasaarihii beddali lahaa ex RW Xasan Kheyre.

3- Xilligii Madaxweyne  Xasan Sheekh, Shirarkii lagu go’aamiyay doorasho dadban waxaa goobjoog ka ahaa RW Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiyaha baarlamaanka iyo dowlad goboleedyada.

4- Maanta Raysal wasaare dalka maba lahan, shirkana kama muuqdaan guddoomiyeyaasha aqalka hoose iyo kan aqalka sare

5- Farmaajo waxaa uu wado siyaasad hagardaamo oo ay ka dambeeyso damaciisa muddo kordhinta ah.

6- Damaca siyaasadeed ee MW Farmaajo waxaa sal u ah inuu daaliyo madaxda dowladaha XDF marna uu iyaga iska horkeeno.

Dal aan lahayn Ra’iisul wasaare sidee go’aan doorasho loo gaadhi karaa, waa waxyaabaha lala yaabo ee Madaxweyne Farmaajo uu wado.

Yaa meel marinaya maanta go’aan kasta oo ay gaadhaan madaxda ku shirsan Muqdisho, haddii xukuumaddii shaqaysa aynaan dalka lahayn.
Waxaa xilligaan adag la gudboon aqoonyahannada siyaasadda yaqaanna in ay dalka hoggaamiyaan.

Waxaana ay taasi ku imaan kartaa in ay isu tagaan dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta, dhaqanka, madasha siyaasadda, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan ururrada bulshada iyo cid kasta oo danaynaysa in dowlad rasmiya laga hirgaliyo Soomaali islamarkaana ay soo dhisaan dowlad awood iyo sharci leh.

Marka aad u fiirsato inta uu talada hayo Madaxweyne Farmaajo shirarkii dhacay iyo midka ka soconaya haatan Villa Somalia, waxaa ay ku soo biyo shubanayaan
#TIMIRTII HOREBA #DAB LOO WAA”.

Waxaan u arkaa in wax ajande siyaasadeed ah oo ka hirgalay aynaan jirin, sidaa awgeedna madaxweynuhu uusan ahayn qof socodsiin kara marxaladdani uu dalka ku jiro.

Gunaanad:
Ka danjire ahaan Maxamed Caalim, waxaa soo jeedinayaa haddii qorshaha madaxweynaha sharafta leh Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sidaan ku sii soconayo, in dowlad goboleedyada iyo madasha siyaasadeed oo lagu daray baarlamaanka ay qaadaan masuuliyadda kaga aaddan badbaadinta dalka iyo dadkaba.

Ugu dambeyn, waxaan leeyahay Madaxweyne Farmaajo, mudane go’aan geesinimo waa inaad qaadataa, maaha inaad hagardaamayso mustaqbalka umadda Soomaaliyeed mar haddii ay kuu muuqanayn in doorasho cod iyo qof ah ay dalka ka dhacdo maaha shirarkaagu in ay noqdaan sheeko sida hadda muuqata.

  Danjire Mahamed Caalim
Wabillaahi Towfiiq
Espoo, Finland
caalim68@hotmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *