Saraakiil Maraykan ah oo la kulmey madaxda Dowlad goboleedyada

Published: September 16, 2020

Sida ay shaacisey Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxaa kulan gaar ah dhexmarey Madaxweynayaasha Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland iyo Safaaradda Maraykanka, sarkaalka u sareeya hawlgalada gaarka ah ee ciidamada ee Africa USSOCAF Maj. Gen. Anderson iyo kuxigeenka Hawlgalka AFRICOM.

Kulankan ayaa ku saabsanaa aminiga wadaaga xogta iyo la dagaalanka al-Shabaab.

Saraakiishan ayaa horey ula shirey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, shir ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Waxaa socda qorshe Maraykanku ku ballaarinaayo weeraradiisa dhanka cirka ah ee lala beegsanayo al-Shabaab, taas oo la gaarsiinayo bariga dalka Kenya, weeraddaas oo mararka qaarkood ay ku nafwaayaan dad shicib ah.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Maraynkanku hoos u dhigaayo dhaqaalaha uu ku bixin jirey ciidamada Soomaaliya, sidoo kale waxay wararku sheegayaan in uu socdo qorshe lagu mideeynayo ciidamada sida gaarka ah u dhaqaalahooda u bixiyo Maraykanku.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *