Yaa Bixinaya Biilka Doorashada?

Published: September 16, 2020

Shirkii Muqdisho1 ee Madaxda Qaranku uga doodayeen Doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya 2020/2021 ayaa wali socda, Shirka wuxuu u dhexeeyaa Madaxda Qaranka oo kaliya, Qodobada ugu badan ee laga doodayo waa kuwii kasoo baxay Dhuusamareeb3 iyo waliba Qodobo kale oo loo arkay inay muhiim yihiin, Isla markaana aan ku jirin Dhuusamareeb3 sida wakhtiga Doorashada oo aan lagu xusin Go’aamadii aan loo dhameyn ee Dhuusamareeb3.

Inkastoo Doodda Madaxdu ay tahay Gacan Calool ku jirta oo Shirka iyo dooddana aan cidi ku wehelin, hadana waxaa jira in wax un laga ogyahay Qodobada laga doodayo iyo meelaha la kala joogo.

Waxaa jira qodob muhiim u ah Doorashada, la,aantiisna aan Doorasho la qaban karin, waxayna ahayd inuu noqdo Qodobka ugu horeeya, Haddana marka la eego Xanta la helaayo aanba ku jirin Qodobada laga doodayo illaa hadda, Waana qodobka yaa bixinaya Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada, Xageese ka imaanayaa!!.

Doorasho wadanka laga qabto Noocay rabto ha noqotee Waxay u baahan tahay Dhaqaale badan oo gaaraya Malaayiin Doolar, iyadoo noocyada Doorashadu ay kala qiime ahaan karaan ama kala qaalisanaan karaan.

Miisaaniyadda Dowladda Federaalka kuma jirto dhaqaale loogu talo galay in lagu qabto Doorashada 2020/2021, Miisaaniyadda Maamul Goboleedyadana kuma jirto, Beesha Caalamkuna ma sheegin waxay kaga qeyb-qaadanayso Doorashada inta aan ognahay.

Hadaba soow ma haboona Madaxda Qaranku inay marka kowaad ka doodaan Dhaqaale intee dhan ayaan u heli karraa Doorashada!, Xagee ka heli karnaa!, Kadibna nooca Doorashadu ay noqoto nooc aan Awoodno Dhaqaale ahaan, laguna qaban karo wakhtiga kooban ee aan haysano!!.

Doorashadii 2016kii waxyaabaha aan ka baranay waxaa ka mid ah in Qodobo aad u adkaa, aadna loogu baartay oo lagu kala aragti duwanaa, marar badanna sababay kala kac, in markii danbe si sahal ah la isaga tuuray kadib markii la fiiriyey wakhtiga harsan iyo Jeebka Dhaqaale.

Xasuusin: Doorashadii 2016kii ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo wixii ugu horeeyey ee la qoondeeyey wuxuu ahaa wakhtiga Doorashada iyo Dhaqaalaha ku baxaya, Dhaqaalaha waxaa la qorsheeyey inuu ka yimaado Sadex Jiho oo kala ahaa Khasnadda Dowladda Federaalka, Beesha Caalamka iyo Qoondo Dhaqaale oo laga qaado Qofkasta oo u tartamaya Kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka, Ogaantay wali waxaa jiray Daymo taagan oo lagu leeyahay Dowladda Dhexe lana xiriirtay kharashkii ku baxay Doorashadii 2016kii.

Ma kula tahay in Madaxda Qaranku ugu horrey ka doodaan Wakhtiga Doorashada iyo Dhaqaalaha Doorashada?!.

W/Q Hon Said Surcad.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Haddaynaan awoodba u lahayn inaan helno sanduuqii, waraaqihii, ilaaliyaashii nabadda, hoygii, gaadiidkii lagu qaban lahaa doorasho. Haddii Maamulada iyo DFS ay Sharci samayn karaan (sharciga doorashada) si loo doorto sharci sameeyayaal (golayaasha sharci dejinta)!, soo uma muuqato inaanba loo baahnayn doorasho. Haddii miisaaniyadda doorashadaas lagu suurtagalinayo ay bixinayaan gacan labaad oo ay dhici karto dano siyaasadeed oo khatar ku noqon kara xorriyadda iyo jiritaanka qaranka ay bixinayaan miisaaniyaddaas….Miyaysan caqli gal ahayn inaan loo baahnayn hadda doorasho iyo kallifaad dimoqraadiyadeed ayadoon la hubin sugitaanka (sovereignty ) dalkiiba….

  2. Madaxwayne Farmaajo lacag kama WelWelo madama Alle u yasiray dawlada Qadar.
    Haddii Qadar ka Xun tahay Heshiiskii Madaxwayne Farmaajo la galay dawlad goboleedyadana waa inay kharashka bixisaa Beesha 6aad madama ay Meesha cunaan malaayiin dollar oo ka mid ah lacagihii loogu tagalay Covid-19ka, daadadka, dib-u-heshiisiinta iwm.