Alexei Navalny oo la xaqiijiyey in Hotelkii uu deganaa lagu sumeeyey

Published: September 17, 2020

Alexei Navalny oo ahaa mucaaridka Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa la sumeeyey dhamaadkii bishii Agoosto xili uu ku sugnaa gobolka Saybeeriye. Markii hore waxaa la sheegay in ay dhici karto in shaah uu ka cabey garoonka diyaaradaha loogu daray sunta.

Kooxda Alexei Navalny ayaa soo bandhigtey Video ay ku sheegayaan in Alexei Navalny la xaqiijiyey in lagu sumeeyey Hotelkii uu deganaa, iyada oo loo isticmaaley biyaha sifeysan ee caagadaha ku jira, taas oo qolalka Hoteelada la dhigo.

Shaybaaaro ku yaala dalalka Jarmalka iyo Sweden ayaa lagu xaqiijiyey in ninkan mucaaradka ah loo adeegsadey sunta Novichok, waxaana isla sunta laga helay caagada biyaha ee laga soo qaadey Hoteelkii uu ka deganaa magaalada Tomsk.

Alexei Navalny ayaa lagu daweynayaa Isbitaal ku yaala magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, xaaladiisuna waa mid soo hagaageysa.

Sunta loo isticmaaley ninkan mucaaradka ah ayaa xiisad cusub ka dhex abuurtey dalalka Midowga Yurub iyo Ruushka, waxaana dhici karta in ay saameyso dhuumaha gaaska ee nord stream 2 taas oo dhaqaalaha ugu badan ay bixiyaan dalka Jarmalku.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *