Muqdisho Iyo Garoowe Oo Ku Wada Ciyaaray Qardho – VIDEO

Published: September 17, 2020

Labo kooxood oo ka kala dhisan magaalooyinka caasimadaha ah ee Muqdisho iyo Garoowe ayuu galabta oo khamiis ah kulan ciyaareed xiisa badan ku dhexmaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar Puntland.

Kooxahan oo lagu magacaabay kooxda dowlada hoose ee muqdisho iyo Kooxda horseed ee garoowe ayaa waxa ciyaartooda kasoo qabgalay Gudoonka gobolka karkaar, kan degmada Qardho, taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland, hogaanka xiriirka kubada cagta Puntland, boqolaal shacab ah oo ciyaarta usoo daawasho tagey iyo masuuliyiin kale.

Ciyaarta oo ahayd mid xiisa badan ayaa waxa ay guushu hal iyo eber (1-0) ku raacday kooxda dowlada hoose ee Muqdisho, iyagoona isla berri oo jimce ah la ciyaari doona kooxda horyaalka gobolka Karkaar.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *