Musharax Xassan Cali Kheyre oo soo dhaweeyey Heshiiska Doorashada

Published: September 17, 2020

Raysalwasaarihii hore ee Jamhuuriyadda federaaliga ah ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyey heshiiska ay Muqdisho ku gaareen Madaxda Dowladda federaalka, Dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo soo afjaraya murankii dheeraa ee ka taagnaa doorashada dalka.

Xassan Cali Kheyre ayaa ku qoray bartiisa Twitterka;

Bishii May ayey ahayd markii Musharax Xassan Cali Kheyre uu ku dhawaaqey in uu ka shaqeynaayo in doorashadu xiligeedi ku dhacdo, noqoto mid wada oggol ah oo heshiis ay ka gaareaan dhamaan dhinacyada ay khuseyso, nooca ay doonto ha noqotee, sidoo kale waxa uu sheegay in muddo kororsi kasta uu noqonaayo mid dalka qalalaase u horseeda, arrimahaas waxay sababeen in madaxweyne Farmaajo oo isticmaalaya Golaha Shacabka xilka laga qaado Xassan Cali Kheyre si aan waafaqsaneyn sharciga iyo dastuurka dalka, taas oo Xassan Cali Kheyre sheegay in isagu dalka u tanaasulaayo oo xilka iska casilaayo.

Xassan Cali Kheyre ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqey in uu u tartamaayo xilka Madaxweynaha Ja,mhuuriyadda doorashada 2020/21.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *