China oo dhoolatus militari ka bilowday badda Taiwan

Published: September 18, 2020

Wasaarada Difaaca China ayaa sheegtay in maanta oo Jimce ah dhoolatus militari ka bilaabayso nawaaxiga Jasiirada Taiwan oo ay sheegato, xili Taiwan uu booqasho ku tagay mas’uul sare oo ka socda Maraykanka.

China oo u aqoonsan Taiwan jasiirad ka tirsan dhulweynaha Shiinaha ayaa dhoolatuskii labaad ee militari qabaneysa xili bilihii lasoo dhaafay Maraykanka uu sare u qaaday taageerada uu siinayo Jasiirada Taiwan oo leh maamul u gaar ah.

Waxaa khamiistii shalay booqasho rasmi ah ku tagay Taiwan Kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka, Keith Krach oo Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka u qaabilsan arrimaha Dhaqaalaha iyo Bay’ada. Waa mas’uulkii ugu sareeyey ee ka socda Maraykanka oo booqda Taiwan muddo 40 sano ah.

Shiinaha ayaa dhoolatuskan cirka iyo badda ah ku sheegay mid ay ku muujinayaan sida ay diyaarka ugu yihiin inay difaacaan madax banaanida dhulka, cirka iyo badda wadankooda.

Maraykanka ayaa doonaya in hub cusub oo casri ah ka iibiyo jasiirada Taiwan, qorshahaasi oo hada horyaal Kongareeska Maraykanka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *