Waa kuma Raysalwasaaraha Cusub Eng. Rooble?

Published: September 18, 2020

Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabey Eng. Maxamed Xuseen Rooble xilka Wasiirka kowaad ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo mudada hay’adaha dowliga ah ee Dowladdu ay tahay gabaabsi.

Maxamed Rooble waa 57 jir, waxa uu ku dhashey magaalada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1963, waxa uu ku soo korey magaalada Muqdisho oo uu ku qaatey waxbarashadiisi hoose.

Waxa uu kamid ahaa ardeydii Jaamacadda Umadda ee Gahayr waxaana uu dhigtey kuliyadii Injineeriya.

Kadib burburkii Dowladdii Soomaaliyeed, waxa uu kamid noqdey dadkii u qaxay dalka dibadiisa, waxaana uu ka bilaabey dalka Talyaaniga kadib waxa uu u gudbey Dalka Sweden oo uu ku noolaa qoyskoodu.

Eng. Rooble waxa uu waxbarashadiisa ku sii watey dalka Sweden waxaana uu shahaada labaad ku qaatey Injineernimada deegaanka.

Muddo ka badan 10 sano ayuu u shaqeynaayey hay’adda ILO ee Qaramada Midoobey.

Eng. Rooble ma ahan nin ka soo shaqeeyey ama horey u soo qabtey xil siyaasadeed waana weji ku cusub siyaasadda Soomaaliya, sidaas oo ay tahay ayuu ku soo beegmey xili aad xasaasi u ah oo ay tahay in la qabto doorashooyinkii federaalka iyada oo wakhtiga uu haystaa ay tahay mid aad u yar.

Shaqada ugu horeysa ee sugeysa ayaa ah in uu hortago Baarlamaanka weydiisto codka Kalsoonida, kadibna uu soo dhiso Golihiisi Wasiirada, kadi waxaa laga doonayaa in uu baarlamaanka horgeeyo barnaamijkiisa siyaasaadeed si Golaha Shacabku codka kalsoonida u siiyo xukuumadda uu soo dhiso.

Shaqada ugu badan ee laga sugaayo ayaa ah in uu hoggaamiyo heshiiska siyaasadeed ee la gaarey isla maalinta la magacaabey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment