Qardho: Karaash Oo Tababar Usoo Xiray Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Puntland (SAWIRO)

Published: September 19, 2020

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo maanta gaaray magaalada Qardho, ayaa halkaas tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska Puntland.

Ciidankan oo tiradoodu kor u dhaafayso 300 askari ayaa muddo seddex bilood ah lagu tababarayey xerada Xorgoble Qardho, waxaana munaasabada xiritaanka tababarkooda kasoo qaybgalay wasiirka maaliyadda Puntland, xildhibaano, taliyaha ciidamada daraawiishta, taliyaha booliska Puntland, maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo masuuliyiin kale.

Xukuumada Madaxweyne Deni ayaa wada dadaalo xoogan oo ay ku bixinayso diiwaangelinta iyo qalabaynta ciidamada kala duwan ee Puntland.

Sawiro:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *